Somaliland oo jawaab adag ka bixisay hadalkii Khadar

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay hadal uu dhawaan yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Mahdi ayaa dhawaan waxa uu ka dhawaajiyey in bulshada reer Somaliland aysan u mideysnayn madax-banaanida Somaliland, oo intooda badan doonayan Soomaali weyn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkaasi ku sheegay mid aan qaban Bulshada Somaliland, isla markaana uu yidhi Nin Muqdisho u shaqo tagay.

Wasiirka Warfaafinta oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya waa nin reer Somaliland ah oo sida aan anigu aqoonsannahay u shaqo tagay halkaas. In badan oo u shaqo tagtay Soomaaliya way jirtaa laakiin ereyga inankaas ka soo yeedhay wali madaxdii reer Somaliland ee Soomaaliya tagaysay ee xilka u doonanaysay lagama hayo midna”.

“Haddii ay tahay odayaashii waaweynaa ee ilaa hadda iska joogga (Soomaaliya) ku daalay ee soo noqon kari waayey iyo haddii ay tahay kuwii xilalka ka soo qabtay ama Ra’iisul wasaare ku-xigeen ha lagu magacaabo ama Wasiirro’e, ragga halkaas tagay ereyga intaas leeg wali may odhan”.

“Inankaasi wuxuu yidhi ‘Dadka reer Somaliland inta badani Soomaali weyn ayey doonaysaa ee waa la cabudhinayaa’ waxaan leeyahay hadalkaaga sumad u yeelo. Beri baa la arki doonaa adigoo leh ha la I saamaxo. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in aanay Soomaaliya waxba kugu gaadhin”

Wuxuuna intaas ku sii daray “Erayga intaas leeg ee aan wali hore loo odhan waxa muuqata in dhallinyaronimo laguu adeegsanayo. In badan baad Somaliland soo joogtay oo nin nala gado ah ayaad tahay, nin wixii Somaliland soo martay og baad tahay ninkii ereyadaa kaamaanu eegaynin aad shaqo tagtide. Waxaan u malaynayaa garaadkaaga ayaa ku siiyey”.

“Ummadda reer Somaliland waa mid waanay u middaysan yihiin qaddiyadooda.waxaanan kugu boorinayaa inaanad been ka sheegin ummadda reer Somaliland iyagaana kuu jawaabi doona”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com