Somaliland oo ka hor-timid qorshaha Abiy Ahmed iyo Yamamoto ee Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa shaaciyey inay jiraan dalal dhowr ah oo daneynaya inay dib u furmaan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal madax-banaan, isla markaana ay iska indho tireyso dowladda federaalka oo ku sheegay mid uu haysto ‘jahwareer siyaasadeeda’.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha midnimada Soomaaliya ee ay wadaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, xili uu dhawaan soo ifbaxay dadaalada ay ku hirgelinayaan qorshahaasi.

Faratoon ayaa ka dhawaajiyay inaysan marnaba diyaar u aheyn Somaliland, wada-hadalo lagu rabo midnimo, balse ay diyaar u tahay wada-hadalo u horseeda ictiraafka ay mudada badan baadi-goobayeen.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Wey jiraan Wadamo doonaya inaynu wada-hadalno Soomaaliya oo aynu iskugu nimaadno miiska wada hadalada, Waxaana xaqiiqo ah in Maamulka Muqdisho oo jahaweerar siyaasadeed ku jira inay iska indho tirayaan xaqiiqooyinka jira”.

“Waxaynu nahay Dal, Dawlad iyo Dad isku tashaday, mar walba rabitaankeena ayeynu ku soconaynaa, cid walbana inaynu qancino ayeynu diyaar u nahay, ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Mareykankaba xiriir aad u fiican baa inaga dhexeeya ee waxaanu leenahay sidaas uu Madaxweynahayagu sheegay ayaa dhab ah oo Soomaaliya waanu kala tagnay”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaanu kala hadli karnaa oo qudha in aanu sidaas hadda kala nahay aanu kala ahaano, oo waliba cid kastana in aanu qaranimadayada ku qancino ayaanu diyaar u nahay, ee ha naloo tixgeliyo mar kasta jiritaankayaga dawladnimo, dalnimo iyo dadnimo”.