SOMALILAND oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso dhaq-dhaqaaqa mucaaridka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed oo shir-guddoomiyay kulan ku saabsan xoojinta amniga, ayaa waxa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu sheegay in marnaba ay xukuumado aqbaleyn qabsoomida mudahaaradyada ay qorsheynayaan mucaaridka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa looga wada-hadlay wada shaqaynta laamaha kala duwan ee amniga, maamulka degmooyinka Hargeysa iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

“Cid kasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada nabad-gelyada, islamarkaana ay ka fogaadaan cid kasta oo wada dhibaato lagu waxyeelaynayo amniga iyo jiritaanka Somaliland.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay xisbiyada mucaaridka qorsheynaya qabashada mudahaaradyo ka dhan ah xukuumadda, kadib markii uu fashilmeen wada-hadaladii u dhaxeeyay ee qotomay arrimaha doorashooyinka.

Ma aha markii u horeysay ee xukuumaddu hanjabaad u dirto mucaaridka, waxaana xusid mudan in mudahaaradyo hore u abaabuleen lagu waxyeeleeyay masuuliyiin ka tirsan mucaaridka, kadib markii ciidamadu u adeegsadeen rasaas nool.