SOMALILAND oo war aan la fileyn ka soo saartay ciidankii u goostay Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo dhawaan ku biiray maamulka Puntland.

Taliye Taani ayaa ciidamadaasi ku biirey maamulka Puntland ee ka goostay Somaliland, ku tilmaamay kuwo wax matarayaal ah oo culeys ku hayey qaranka Somaliland, isla markaana ka xukuumada ahaan ay ku faraxsan-yihiin inay ka goostaan.

Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in ciidamadaasi ay ka hor-yimaadeen inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Puntland, wuxuuna yiri

“Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo, wali wax hawl-gal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin sidaasay ku diideen amarkii la siiyey”.

“Qarankan uma baahna lacag bilaash ah oo la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa muhiim”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ciidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama qarankay u shaqayn, laakiin isku dul noolaan dambe jiri mayso”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa