Somaliland oo xabsi dhigtay haweeney ka hortimid in la gubo calanka Soomaaliya

Haregeyga (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay saaka markale xabsiga u taxaabeen Marwo Deggan Miiraash oo laba goor hore loo xiray Calanka Soomaaliya dartiisa, kadib markii ay ku goglatay qol-keeda jiifka ah.

Wararka ayaa sheegaya in xarigga haweeneydaas uu yimid, kadib markii ay is hortaag ku sameysay dhalinyaro dooneysay inay gubaan Calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan bartamaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Deggan oo ah Hooyo heysata afar caruur ah ayaa la sheegay inay ka biyo diiday in la gubo Calanka Soomaaliya, falkaas oo ay doonayeen inay ku dhaqaaqaan dhalinyaro ku sugan Boorama oo ‘dhibsaday’ in Calanka Soomaaliya lagu faafiyo deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku baxay buuqa ka dhashay arrintaasi, waxaana markii dambe ay xabsiga u taxaabeen Deggan Miiraash oo horey labo jeer loogu xiray Calanka Soomaaliya dartiis.

Xarigga haweeneydan ayaa sidoo kale dood adag ka dhaliyey baraha bulshada oo si weyn loogu faafiyey, waxaana dadka qaar ay ku tilmaamtay inay tahay wadani dhab ah.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka ku labista dharka Calanka ama Sawirradooda, iyaga oo xiran ku faafiya baraha bulshada ee Internet-ka.

Si kastaba dhacdadan hadal heynta dhalisay, isla-markaana ay xarigga ku muteysatay Degan Miiraasa ayaa kusoo aadeyso, xilli maanta loo dabaal-degayo xuska kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaadatay koonfur, sidoo kalena ay israaceen waqooyi & koonfur.