Soomaali badan oo buux dhaafiyay xabsiyada..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Boliska Malta ayaa sheegay inay xireen 6 nin oo u kala dhalatay dalalka Somalia, Talyaaniga iyo Malta, kuwaasi oo ku lug lahaa Ganacsiga iyo Isticmaalka Daroogadda.

Eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay Hawlgal ay Boliska Ka-hortagga Mukhaadaraadka oo adeegsanaya Eeyda Tababaran ka fuliyeen Deegaanka St. Julians area.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay heleen noocyo badan oo Daroogo ah sida Xashiishka iyo Cocaine.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay boliska gacan ka siinayaan Baaritaannadda oo weli sii socda, iyadoo qaar ka mid ah dadka la qabtay lagu soo oogayo inay si sharci darro ah u haysteen, ugana ganacsanayeen Daroogadda.

Xigasho:- Malta Today

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com