Soomaali ku go’doonsan badda mid…

Tripoli (Caasimada Online)-In ka badan 180 qof oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku go’doonsan badda u dhexeysa Libiya iyo Talyaaniga kaddib markii ay doonidii ay la socdeen ay buux dhaaftay.

Cali Afrax Xuseen oo ka mid ah Soomaalida saaran doontaas ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin nolashooda maadama ay doonta buux dhaaftay.

Wuxuu sheegay in dhammaan wixii sahay ay wateen ay ku tuureen badda kaddib markii ay soo qaadeen sagaal qof oo ka soo badbaaday dooni ku degtay xeebaha Libya.

“Waxaan la soconaa dooni ka sameesan plastic waxaana ku saaranahay 180 qof, marmba meel ayey doonta nala aadeysaa mana naqaano meesha aan mareyno,oo xaalad khatar ah ayaan ku suganahay, in kastoo ciidamada Talyaaniga ayaan u qeylo dhaaminay” ayuu yiri Cali Afrax oo qadka Thurayaaha kula hadlay Idaacadda VOA-da.

Mar la weydiiyay dadka saaran doonta in ay ku jiraan dumar iyo carruur, wuxuu sheegay in doonta ay la saaran yihiin 17 dumar ah iyo carruur qaar kood dhowr cisho uun dhalan.

Wuxuu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in iyagoo bad qaba ay tagaan dalka Talyaaniga oo qasadkooda uu yahay.

Si kastaba, in kabadan 2,500 oo tahriibayaal Afrikan ah ayaa toddobaadkan kaliye tagay dalka Talyaaniga kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada ka jirta dalkooda oo ay ugu horeyso collaadaha iyo saboolnimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tripoli

Caasimada@live.com