Soomaali wadatay baasabooro bug ah oo lagu qabtay dal aan laga fileynin

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Comoros, Said Hasasan El-anrif ayaa shaaca ka qaaday inay Ciiddanka Boliska gacanta ku dhigeen saddex nin oo asalkoodu Somali yahay, xilli ay ka soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee caasimadda Jesiiradda ee Moroni.

Raggaasi oo la sheegay inay wateen Baasabooro Kenyaati oo la been abuuray, ayaa la sheegay inay ku doodeen inay xubno ka yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars ee Kenya, oo haatan Jesiiradda Comoros kaga qeyb galayo Tartanka Koobka K/cagta ee Afrika.

Ciiddanka Ammaanka ee Jesiiradda Comoros ayaa adkeeyey ammaanka Hotelka ay deggan yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Comoros, Said Hasasan El-anrif ayaa tilmaamay in saddexda nin ee Soomaalida haatan la xiray, laguna hayo baaritaanno.

Dhinaca kale, Madaxa Fulinta ee Xiriirka K/cagta ee Kenya (FKF), Michael Esakwa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la adkeeyo ammaankooda.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan ku baraarugsanayn shilkaasi, inkastoo loo sheegay in ammaankooda wanaagsan yahay.

Michael Esakwa waxa uu sheegay inay ku wada faraxsan yihiin ilaaladda lagu wada badbaadinayo isaga iyo Kooxdiisa.

Xigasho: The Standard Media.