Soomaaliyey 4 arrimood dartood u midooba! (Aqri afartaas arrin)

Midnimadu waa tan horu Marisa aadmiga, tafaraaruqana waa kan iilka dhiga sharafta,dadnimada,wax wada qabsiga iyo nolol wanaaga walaalaha kala tagsan,

Waxaan hubaa in aanay jirin cid igu diidi kartaa intaas, laba qof walboo soomaali ah ee kulantaba marka ay sheekaysanayaan, waxeey ku dhiiradaan qirida dhaba haboowga heeysta umada soomaaliyeed in ay ugu wacan tahay, qaybsanaanta iyo xishmada ay u hayaan qabyaalada, kursigaas anagaa xaq u leh, waa la qadiyay beesheena, nin jeclaysi iwm. Erayga qabiil. Waxuu ka koobanyahay, lix eray, sadexda hore waa (Qab) waa isla weeyni, sadexda danbana waa (Iil) Waan hubaa in aan cashar badan ka qaadanay.

Waxaa lumay miisaankaan ku lahayn caalamka.waxaan u qaybsanay qaar qaxa,qaar dhinta, qaar naafooba, qaar gaajo la ildarnaada, qaar xanuuno ay haleelaan, qaar asay qaada, qaar agoontooba iyo dhibaatooyin badan oo aan soo koobi Karin. Marna xal kuma heli doono nin jeclaysi, iyo kanaa ina adeerkeey ah. Xalka umada soomaaliyeed wuxuu gacanta ugu jiraa dhamaanteen, qof walbana waxaa ka saran waajib xaga rabi iyo waliba dhanka ayaaheenadanbe, caana daatay waa la daba qabtaa, waxaan si islaam nimo ah iyo waliba soomaalinimo aan idiin soo jeedinayaa in aad ku midoowdaan afar arin aawadood.

1- waxaa nahay dad islaam ah diinteenu waxeey na fareeysaa midnimo, taasuuna allaha awooda leh ee na abuuray raali ka yahay. In aan midnimada uga shaqeeyno illaah fadligiisa.

2- In aan u diir naxno dadka ku dhibaateeysan dalkeena gudihiisa, ee colaad ka gabatku u nugleeyay, abaaraha, xanuunada, dhig baxa, agoontoowga, asay qaadka, iyo waliba dandarada joogtada ah, taasoo mar walba ku beerta rajo beel.

3- Dhaqan dhumida, diin seega, gaalo ku dayadka, xabsi jiifadka, waalid ku caasiga,uu dhalinyaradeenu dhaqanka qurbuhu baray ee aan lagu aqoon markeenii hore markaan ku nooleey wadankeenii hooyo, reer dumida saameeynteedu tahay six un u fahamka qurbaha, taasoo ah tan kala furta ama lumisa dareenka bulshada.

4- Dalkeena oo uu cadow badan damac kaga jiro in uu qayraadkiisa dhaco, ama aan maalin walba maqleeyno badaheena oo sun lagu daadiyay.

Waxaan umada soomaaliyeed aan xusuusinayaa wadanka shiinaha, waxaa leh oo kunool dad aad u tira badan, waxeeyna ku mideeysanyihiin oo kaliya, wadaniyada, hadaan anaga aan sameeyno tiro koob dadkeena, dhaxdooda waxaan ku noqon karnaa, hal jilib wax ka yar, waxaa nahay abti seedi iyo wiil, waxaana noo dheer diinteena sharafta badan, waxaan idinku waaninaayaa in aad ka kaaftoontaan cudurka na dilooday iyo kala qoob qoobnaanta dhexdeena taal, aan abuurno kacaan is urursi, is qadarin , is kaalmeeysi iyo waliba wadaniyoow wadankaaga, dadkana aan ugu jeclaano kan waxtarka noo ah, jecelna cadaalada iyo sinaanta, makala maarano, midnimo la,aanteedna wax aan noqon karnaa malaha.

Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin waxaan ilaah ka baryaayaa in uu na dareensiiyo wanaaga, xumaanta iyo xaasidnimada naga dul qaado.

Fadlan hadaan ku hadlay haba yaraatee gaf iga raali ahaada, waxaadna niyadiina galisaan in aan ahay wanaag doon.

Qore Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.