Sudan oo Xukun ku riday Al-Fannaan Nimcaan Hilaac & Wakhti aad u kooban oo loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Khartoum ee Xarunta dalka Sudan lagu xiray Al-Fannaan Nimcaan Hilac oo maalmahani dalka Sudan u joogay qabashada Show.

Nimcaan Hilac ayaa Habbeenimadii xalay magaalada Khartoum ku qabtay Showga, waxaana la sheegay inuu xigay xarig kadib markii Hoolka ay kala baxeen Ciidamo ka tirsan Booliska.

Nimcaan Hilac, ayaa waxaa lala xiray laba ruux oo kamid ahaa shaqsiyaadka qabanqaabinaayay Showga, kuwaa oo saacado kadib lasii daayay.

Xariga Nimcaan Hilac, ayaa yimid kadib markii qolada showga qabanqaabineysay ay ku diiwaangaliyeen Hoolka inuu aroos dhacayo balse markii dabe ay booliska ka war Heleen in show uu socdo.

Showga ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 300 oo Arday kuwaa oo buux dhaafiyay Hoolka, walow markii danbe ay qaseen Ciidamada amaanka Khartoum.

Nimcaan Hilaac ayaa Habbeenimadii xalay ku hoyday Saldhig boolis, waxaana Goordhow la soo taagay maxkamada isagoo lagu xakumay bixinta lacag dhan 1,500$.

Waxaa sidoo kale Al-Fannaan Nimcaan Hilaac lagu amray in Sudan uu uga baxo 24 saac hadii kale xarig 6 bilood ah .

Sidoo kale, Nimcaan ayaa la sheegay in uu bixinayo lacagtaas isla markaana uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ku yahay deegan.

Dhinaca kale, dalka Sudan ayaa waxaa ka mamnuuc ah inay is dhexgalaan Ragga iyo Dumarka mudada lagu guda jiro Showga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com