Suuq ku yaallo MUQDISHO oo maanta gubtay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dab xoogan oo geystay khasaare hantiyeed uu ka kacay Suuqa degmada Dharkenley ee loo yaqaanno Suuq Boocle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqaas, kaas oo mar dambe ay ku guuleysteen inay damiyeen gaadiidka dab damiska ah.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi oo la hadlay Shabelle TV ayaa shaaciyey inay gubteen ugu yaraan illaa 50 dukaan oo ku yaallay gudaha Suuqaasi.

“Wallaahi cadada ma sheegi karo, laakiin waxaa qiyaasayaa illaa 50 daba-kaanyo way dhan tahay halaha hadda gubatay,” ayuu ku yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuq Boocle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu saacado badan socday dabka, wuxuuna sababta ku sheegay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay waayeen waddo ay ka galaan Suuqa.

“Suuqaan isaga dhan jidad ma leh Bajaaj xittaa ma soo dhex-geli karto oo dadkii ayaa ganacsigiisii waddada lee ayuu noqday, sidaas ayaa keentay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa saameeyey qaybta qudaarka ee Suuq Boocle oo iyadana gubatay, sida ay sheegtay mid ka mid ah hooyooyinka ku ganacsada halkaasi.

“Waxaa iga gubtay basal, liin dhanaan oo shalay aan Afgooye ka keenay, weliba dayn ayaan ku soo qaaday,” ayey tiri Hooyo ka mid ah ganacsatada qudaarta ee Suuq Boocle.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, waxaana ugu dambeeyey dabkii xooganaa ee baabi’iyey suuqa isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.