Tababaraha Chelsea Roberto di Matteo oo kooxdiisa ku qal qaalinaya inay ceshato A.Cole.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto di Matteo ayaa ku booriyey  kooxdiisa inay ceshtaan daafacooda bidix Ashley Cole, kaasoo ay doonayaan Manchester United iyo Paris St Germain daafaca reer England ayaana qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan.

Cole ayaa iska diiday hal sano oo qandaraas ah oo ay usoo bandhigtay Chelsea, PSG ayaana dooneysa inay kusoo jiidato qandaraas dhaqaale badan waxayna doonayaan inay Janaayo soo xareystaan, halka United ayba dooneyso inay la qaadato kulan weji ka weji a.
Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa fiiro gaar ah ka haaya xidigaan wuxuuna doonayaa inay mar kale ku midoobaan caasimada Faransiiska, halka Red Devils ayba kulanka maanta ee Chelsea la ciyaareyso u aragto midkii ay kusoo jiidan lahaayeen waaya aragaan.

Di Matteo ayaase arkin wado uu daafacaani kaga Tago Chelsea wuxuuna doonayaa inuu ka dhaadhiciyo inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inuu sii joogo halkaan,” ayuu yiri Di Matteo.

“Waxaa jira waxyaabo yar oo ay isku afgaran la’a yihiin ciyaaryahanka iyo kooxdu. Rajadeydu waa inuu sii joogo halkaan.”

Milkiilaha Chelsea ayuu u degan yahay sharci ah in ciyaaryahankii da’diisu ka weyn tahay 30 jir keliya ay kooxdu usoo bandhigto hal sano oo qanadaraas ah.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.