Taliye saldhig oo toogasho ku dilay gudoomiye ku-xigeen

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Karkaar ee maamulka Puntlnd ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Degmada Xaafuun oo ka tirsan isla Gobolka uu toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeenkii Degmadaas.

Gudoomiye ku-xigeenkii degmada Xaafuun Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu ku furay Taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi.

Taliyaha dilka geystay iyo Gudoomiye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa ka dhexeeyay muran soo jiitamaayay muddo dheer, waxa uuna ugu danbeyntii Taliyaha dhowr xabadood ku dhuftay Gudoomiye ku-xigeenka.

Gudoomiye ku-xigeenka la dilay Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u dhintay dhaawac uu la jiifay Isbitaalka Boosaaso, kadib markii uu darsaday.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerida Gudoomiye ku-xigeenka la dilay, waxa uuna tilmaamay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu soo kala dhex galay muran.

Guddoomiyaha waxa uu intaa ku daray inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo qaabka uu u dhacay dilka, isagoo sheegay in wixii faahfaahin ah uu la wadaagi doono saxaafada.

Dilka Gudoomiye ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili muddo dhowr jeer ah muranka labada mas’uul loo gudbiyay maamulka Sare ee Puntland, hase ahaatee uusan wax u qaadan muranka sababay geerida Gudoomiye ku-xigeenka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com