Taliyihii ciidamada ilaalada wadooyinka oo xilka laga xayuubiyay iyo taliye cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada ilaalada Wadooyink Gen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab.

Taliyihii Ciidamada ilaalada Wadooyink ayaa waxaa xilkaasi looga qaday wareegto kasoo baxday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).

Xilka laga qaaday Cali Gaab, ayaa waxaa loo magcaabay Cali Maxamed Cali oo horay u soo noqday Taliyihii Ciidamada Taraafikada Gobolka Banaadir.

Gen, Cali Gaab ayaa horay u soo noqday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxa uuna xilkaasi iska casilay muddo kadib.

Sidoo kale, Cali Gaab ayaa bishii afaraad ee sanadkan waxaa dib loogu magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko oo hoos tagta Taliska Booliska.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo hada sababaha ka dambeeya xil ka qaadista Jen, Cali Gaab oo ahaa nin howl kar ah, waxaase wararka qaar ay sheegayaan in isaga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ay u dhaxeysay xurguf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com