Tallaabooyinkii ka horeeyay ceyrinta Francisco Madeira ee uu qaaday R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, isagoona u qabatay inuu dalka uga baxo muddo 48 saac gudahood.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday guddiga Midowga Afrika inuu dib ugu yeerto danjire Francisco Madeira uuna u hogaansamo codsigan. – “Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugeynaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ma bixin faah-faahin ku saabsan arrimaha uu ku lug yeeshay Madeira, balse waxaa mar walba jiray tuhun ku saabsan inuu yahay shakhsi aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Haddaba, Wax ka ogow tallaabooyinkii ka horeeyay ceyrinta Danjire Francisco ee uu qaaday Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr jeer u gudbiyay Midowga Arifka cabasho ka dhan ah Francisco Madeira iyo digniino si uu ugu waantoobo “ku kaca waxyaabaha ka baxsan anshaxa iyo shaqada uu dalka u joogo”, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Waxa uu aakhirkii ku dhawaaqay Rooble go’aanka ceyrintiisa, kadib markii ay natiijo kasoo bixi weyday dacwooyinka iyo digniinaha uu gudbiyay.

Al-Cadaala ayaa sheegay in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku kacay falal ka baxsan mas’uuliyada uu u xil saarnaa, kuwaas oo halis ku ahaa qaranimada Soomaaliyeed, midnimada ummadda, dhaawacaysana kalsoonida lagu qabo howl-galka Midowga Afrika iyo falal anshaxa ka baxsan oo uu ka gaabsaday inuu faah-faahiyo.

“Waxa uu Francisco Madeira kasoo gudbay xeyndaabkii, wuxuuna aad ugu milmay siyaasaddii arrimaha Soomaaliya, isaga oo qaaday tallaabooyin ka careysiiyay dad badan oo Soomaaliyeed, inuu soo fara-geliyay mudadii sanadka iyo barka khilaafka siyaasadeed jiray arrimaha doorashada,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay oo Madeira ku eedeeyay inuu ku kacay arrimo musuq-maasuq ah, cadeymaheedana la haayo markii loo baahdana lasoo bandhigi doono.

Waxa uu intaas kusii daray in Francisco Madeira uu si shaqsi ah u aflagaadeeyay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo madax hore ay ku jiraan iyo in sidoo kale qalalaase uu ka dhex abuuray ciidamadii AMISOM iyo hay’addihii dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Madeira ayaa la rumeysan yahay inuu si toos ah ugu xirnaa Farmaajo, oo asagu si adag uga horyimid ceyrintiisa, waxayna arrintaan imaaneysa xili uu dagaal siyaasadeed xoogan ka dhaxeeyo labada xafiis ee ugu sareeya dalka.