Tarsan oo laalay qorsho ay beesha caalamka soo bandhigtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kamid ah Musharaxiinta madaxtinima doonka ah ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka diideen in la dadajiyo Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Tarsan waxa uu sheegay in dalabkaani ay Beesha Caalamka ka jeediyeen kulan ay si wada jir ah ula qaateen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxa uuna tilmaamay in Xubnaha Beesha Caalamka aysan awood u laheyn in Guddoomiyaha ay ku amraan in la dadajiyo Doorashada.

Tarsan waxa uu sheegay in Wakiilka QM u fadhiya Somalia Keating uu u sheegay in loo baahan yahay in arrimaha Doorashooyinka looga danbeeyo Guddiyada Doorashooyinka, waxa uuna sabab uga dhigay in degdegsiinida ay sabab u noqon karto in la musuqo codadka.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa uu tilmaamay inaysan aqbali doonin in Guddoonka BFS lagu amro inay dadajiyaan Doorashada, waxa uuna cadeeyay in degdegtaasi ay sababikarto musuq iyo cod ku shubasho.

”Wakiilka QM ee Somalia waxa uu soo jeediyay in la dadajiyo doorashada Madaxweynaha si Madaxweynaha cusub uu uga qeybgali shirarka caalamiga ah, waan ka diiday degdegtaasi waayo waxa ay suuragalinkartaa ku shubasho cod”

Tarsan ayaa sheegay in ay arinkaas iyaga ka hor’imaadeen isla mar’ahaantana xubnaha ka socday Beesha caalamka ka codsadeen in ay go’aanka ay u daayan gudoonka iyo xildhibaanada baarlamanka Soaomaaliya.

Haddalka Tarsan ayaa kusoo beegmaya xili muddo Afar jeer ah ay dib u dhacday Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com