Tirada Guud xildhibaanada ilaa iyo hadda la doortay (Immisa dumar ayaa ku jira?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada xildhibaanada aqalka hoose iyo tirada guud ee xildhibaanada la doortay ilaa iyo hadda.

Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey), gudoomiyaha gudiga doorashada oo saxaafada la hadlay ayaa shaaciyay tirada xildhibaanada ilaa iyo hadda la doortay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hada la doortay 155 xildhibaan oo 20 ka mid ah yihiin dumar , waxaana uu sidoo kale sheegay in doorashada Aqalka Sare la doortay 43 xubnood , halka doorashada Aqalka Hoosana la doortay 112 mudane.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney walid himan yihiin xildhibaano kale oo kamid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney baaritaano ku wadaan xildhibaano lagu eedeeyay iney si musuq maasuq ah kusoo baxeen markii doorashada socotay.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqdey Madasha Hogaamiyayaasha Qaran in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com