Natiijada wareega 2aad ee doorashada

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa hadda dhammaaday tirinta codadka musharrixiinta seddaxda ee isugu soo haray wareega labad ee doorashadda madaxweynaha Puntland.

Waxaa natiijada ay noqotay sidan:-

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 31
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 18
Cali Xaaji Warsame 16

Waxaa xumaaday 1 cod. Sidaa waxaa ku dhan 66ka cod ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Waxaa wareegan markale ku hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa ku guuleysan waayey labadii wareeg ee hore inuu helo 44ka cod ee guusha uu murashaxa ku qaadan karo.

Waxaana la filayaa in wareega sadexaad loo gudbayo iyadoo ay isu soo harayaan:

Faroole vs Gaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com