Trump oo dejiyey qorshe ay dalal badan ku lug leeyihiin oo lagu ciqaabayo Shiinaha

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dedejinaya hindise Shiinaha looga wareejinayo wax soo-saarka warshadaha, iyo canshuuro kale oo Beijing loogu ciqaabayo qaabkii ay ula tacaashay cudurka Coronavirus, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogoal u ah qorshaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo dhowaanahan sare u qaaday weerarada ka dhanka ah Shiinaha, ayaa marar badan ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono wax soo-saarka warshadaha Mareykanka ee dibedda loo wareejiyey sanado kahor.

Hase yeeshee, burburkii dhaqaale iyo dhimashadii uu horseeday cudurka Coronavirus ayaa sare u qaaday tallaabo lagu joojinayo alaabaha Mareykanka ee lagu soo sameeyo Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo weeciyo dalal kale oo loo arko kuwa saaxiib la ah Mareykanka.

“Muddo ayaan ka shaqeyneynay inaan yareyno ku tiirsanaanta warshadaha Shiinaha, hase yeeshee iminka waan dedejineynaa hindsaheena,” waxaa sidaas yiri Keith Krach, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Kobaca Dhaqaalaha, Tamarta iyo Deegaanka.

Krach ayaa sheegay in arrintan ay muhiim u tahay amniga Mareykanka.

Waaxda Ganacsiga Mareykanka iyo hay’adaha kale ee arrimahan ku shaqada leh ayaa raadinaya hab shirkadaha loogu qasbi karo inay joojiyaan inay badeecadaha kusoo sameeyaan warshadaha Shiinaha. Tallaabooyinka laga fikaryo waxaa ka mid ah canshuur dhaaf iyo taageero kale oo dhaqaale oo la sameeyo.

Trump ayaa marar badan ku celiyey inuu canshuur kale oo dheeri ah ku dari doono canshuur dhan 25% oo saaran badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha oo qiime ahaan dhan 270 bilyan oo dollar, si shirkadaha loogu qasbo inay joojiyaan alaabaha lagu soo farsameeyo Shiinaha.

Mareykanka ayaa sidoo kale doonaya inuu sameeyo isbaheysi ay ku jiraan “saaxiibada lagu kalsoon yahay”, kaasi oo loogu magac daray “Shabakadda Baraaraha Dhaqaale,”, sida uu sheegay sarkaal xog-ogaal ah.

Dowladda Mareykanka ayaa la shaqeyneysa dalalka Australia, India, Japan, New Zealand, Korea-da Koonfureed iyo Vietnam, si horey loogu dhaqaajiyo dhaqaalaha adduunka, sida uu sheegay xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, 29-kii April.

Si kastaba, ayada oo shirkado badan oo Mareykan ah ay si xooggan u maal-gashteen warshadaha Shiinaha, iskuna haleeyaan dadka gaaraya 1.4 bilyan ee dalkaas ku nool, oo qaata mushahar aad uga hooseeyaa kan dadka Mareykanka, qorshaha Trump ayaan si sahal ah ku dhaqan geli doonin.

Sidoo kale, in warshado cusub laga dhiso Mareykanka aya aqaadan karta shan ilaa sideed sano, taasi oo ah caqabad kale.

REUTERS + VOA