Turkey oo 3,000 oo askari u direysa dalka QATAR

Doha (Caasimada Online) – Turkey ayaa 3,000 oo askari oo ah booliska rabshadaha ka hortaga u direysa Qatar, si ay gacan u gaystaan sugidda amniga garoomada kubadda cagta Koobka Adduunka iyo hoteellada ay degi doonaan martida. 

Howlgalkan amni ayaa waxaa qarashkiisa bixin doona dowladda Qatar, hase yeeshee waxaa si buuxda u maamuli doona talis Turkish ah, waxaa sidaas wakaaladda wararka Reuters u sheegay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Turkey.

Ayada oo ay ku nool yihiin dad ka yar 3 milyan – kuwaas kaliya 380,000 ka mid ah yihiin muwaadiniin Qatari ah – ayaa Qatar waxay wajaheysaa shaqaale yari xilli ay isku diyaarineyso marti-gelinta Koobka Adduunka.

Qatar ayaa u weecatay Turkey, oo ah xulufadeeda gobolka, si ay u xaqiijiso amniga tartanka, oo la filayo inuu soo jiito 1.2 milyan oo qof oo soo booqan doona dalkaas. 

Heshiis ay kala saxiixdeen labada dal ayaa dhigaya in Turkey ay Qatar gayso 3,000 oo askari oo ah oo booliska rabshadaha ka hortaga, 100 sarkaal oo qaabilsan howlgallada gaarka ah, 50 khubarada bambooyinka ah iyo 80 eeyaha wax uriya ah.

“Inta uu socdo tartanka, booliska Turkey waxay ka amar qaadaan doonaan madaxdooda Turkish-ka kaliya oo ku sugnaan doona Qatar,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo Turkish ah. “Dhinaca Qatar ma awoodi doonaan inay amar toos ah siiyaan booliska Turkish-ka.”

“Dhammaan qarashka ku bixi doona shaqaalaha la gaynayo halkaas waxaa bixin doona dowladda Qatar.” 

Dhinaca kale, Turkey ayaa laga yaabaa inaysan noqon dalka kaliya ee taageerada amni siin doona Qatar.

Bishii tagtay, golaha wasiirada Pakistan ayaa ansixiyey qabyo qoraalka heshiis u ogolaanaya dowladda inay ciidamo ku yaboohdo sugidda amniga koobka adduunka. Ma aysan shaacin tirada askarta, labada dalna ma sheegin haddii heshiis kama dambeys ah la gaaray. 

Qatar oo ah dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla Bariga Dhexe ee mart-geliya koobka adduunka iyo dalkii ugu yaraa ee sidaas sameeya, ayaan wax khibrad ah u lahayn marti-gelinta dhacdo caalami ah oo sidaas u baaxad weyn.

Askarta Turkish-ka ee aadeysa Qatar ayaa waxaa la baray English, waxaana la siiyey hagid ku saabsan wax ay filan karaan marka ay tagaan Qatar, sida ay sheegeen ilo-wareedyada Turkish-ka.

Turkey oo saldhig militari ku leh Qatar, ayaa garab istaagtay Doha markii Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay go’doomiyeen dalkaas sanaddii 2017. 

Dalalka Khaliijka ayaa xiriirkooda soo celiyey sanadkii tegay, waxaana Turkey ay sidoo kale horumarisay xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.