Turkiga oo kashifay kaashka Bil walbaa loo gacan geliyo Xasan Sheikh (Waa Immisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday cadadka lacagta bil walbaa kaash ahaan loo siiyo dowlada Federaalka Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheikh uu hogaamiyo.

Safiirka dowlada Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya oo wareysi siiyay VOA ayaa shaaciyay dhaqaalaha ay siiyaan dowlada Soomaaliya uu gaarayo labo milyan oo doolar bil walbaa.

Safiirka ayaa sheegay in dhaqaalahaasi ugu talo galeen in dowlada Soomaaliya ay ku bixiso lacaga mushaaraadka ciidamada dowlada iyo arimaha kale ee ay dowlada u baahan tahay.

Olgan Bekar, wuxuu sidoo kale sheegay in dowlada Turkiga ay taageero kale siiso dowlada Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.

Wuxuu ku faanay in dowlada Turkiga safaarada ugu weyn caalamka ay ka dhisatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaluya, taasi ay cadeyneyso waxqabadka dowlada Turkiga ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com