U diyaar garowgii Kheyre oo ka socdo Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeeysay ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka gala madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo la dhigay ciidamadii ugu badnaa si amaanka ay u xaqiijiyaan.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha kaga horeeyay magaalada Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, waxaana waddooyinka ku sugan arday iyo haween badan oo laga keenay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay in Kheyre iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadli doonaan dardar gelinta howlaa horyaala dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo xalinta Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

La soco waxii kasoo kordhaa Safarka Xasan Cali Kheyre ee magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com