Ugaas Cali oo sheegay sababta ay rabitankooda ugu cadaadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali magaalada Beledweyne ay ka socdaan kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Madaxda dalka iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa soo baxaayo warar kala duwan oo ku saabsan heerka uu maraayo kulamadaasi.

Ugaas Cali Ugaas Xasan oo ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee la kulmay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan isna uga hadlay natiijooyinka ay kala kulmeen Madaxweyne Xassan mudadii ay wada qaadanaayen kulamada guud.

Ugaas Cali Ugaas Xasan, waxa uu sheegay in kulamada lagu kala booday ay yihiin kaliya kuwo la doonaayo in runta leysugu sheego islamarkaana wax lagu saxo, waxa uuna sheegay in is fahan la’aanta lagu gaaro wadada is fahanka.

Ugaas Cali Ugaas Xasan, waxa uu tilmaamay in Odayaasha Hiiraan ay muujiyeen tanaasul dhowr ah balse aysan wali arag tanaasul ay muujineyso Dowlada Somalia, gaar ahaan wafdiga uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxa kaloo sheegay in Mowqifka reer Hiiraan uu yahay mid cad oo aan u baahneyn in khilaaf loo bedelo, waxa uuna cadeeyay in Odayaasha ay diyaar u yihiin inay xal raadiyaan balse marka hore ay lama huraan tahay in Dowladu ay dabacsani Siyaasadeed muujiso.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Khilaaf ceynkaani ah uusan dhici laheyn haddii mar hore ay Dowladu qaadan laheyn arragtidoodii aheyd in shirka Jowhar ka hor la qabto shir guud oo ay wada qaadanayaan Odayaasha Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexde.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay xaq u leeyihiin in Dowlada Somalia ay ku cadaadiyaan rabitaankooda sababo la xiriira ka fogaanshiyaha Khilaaf dhasha dhismaha maamulka kadib.

Dhanka kale, Ugaas Cali Ugaas Xasan waxa uu cadeeyay in kulankii lagu kala booday kaliya lagu daweyn karo in Dowlada Somalia ay muujiso tanaasul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com