Uhuru Kenyatta oo dalab cusub u gudbinaya DF, xilli ay u muuqato in laga adkaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la soo warinayaa inuu bilaabay dadaalo uu ku rabo in wada-hadal la galiyo xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka, gaar ahaan xayiraada saaran qaadkii ay Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa faray Wasiiriisa arrimaha gudaha inuu hormuud u noqdo wada-hadalo xal looga gaarayo xayiraada dowladda federaalku ay kusoo rogtay qaadka Kenya, maadama uu hoos u dhacay dhaqaalaha dalkiisu.

Wada-hadalladaasi ayaa waxa kale oo qeyb ka noqon doona Wasiirka Difaaca Kenya, monica Juma, Wasiirka arrimaha dibadda, Raychelle Omamo, wasiirka Ganacsiga Peter Munya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xooga saari doona sidii dowladda federaalka loola furi lahaa wada-hadalo lagu wiiqayo xayiraada qaadka, oo gudaha Soomaaliya laga mamnuucay tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus, iyada oo laga reebeyn xayiraadihii dib loo qaaday.

Raychelle Omamo, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo tixraacaya amarkii Uhuru, aya kulan la qaatay ganacsatada qaadka Kenya, oo iyagu culeys badan dowladda ku saaray sidii dowladda Soomaaliya loogala hadli arrinkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in wada-tashi dowladda dhexdeeda ah, kaddib xal loo keeni doono arrinta xayiraadka qaadka, iyada oo dowladda dhigeeda ahna la furi doonta wada-hadalo looga hadlayo.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay Maalin walba khasaaran lacag dhan Shan bilyan oo lacagta Kenyan ah, midaasi oo horseed u noqon karta gebi ahaanba inay joojigayaan ka ganacsiga qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka hore ugu dartay xayiraado la soo rogay oo la xiriiray cudurka Coronavirus, inkasta oo xayiradahaasi la wada qaaday, haddana waxba iskama badalin xayiradii hore u saarneyd qaadka laga keeni jiray Kenya.

Xiisada Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe mad-madow gelisay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan midka ganacsi, iyada oo dhawaana ay dowladda Kenya ay xayiraad saartay in dalkeeda loo dhoofiyo dalagyo iyo alaab looga dhoofin jirey Soomaaliya.