Universal TV la iskala soo tag: DF oo sheegtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa digniin adag u jeedisay dadka magaalada Muqdisho ka sameeya banaanbax aysan ka warqabin xukuumada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafada la hadlayay ayaa digniin kale u jeediyay tafaftirayaasha Idaacadaha magaalada Muqdisho iyo Tv-yada Soomaalida.

Afhayeenka ayaa sheegay in tafaftirayaasha looga baahan iney si dhow ula socdaan wararka ka baxaya idaacadaha ay masuulka ka yihiin, gaar ahaan wararka dhibaatada u keenaya amaanka qaranka Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeenka wasaarada amniga.

Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada amaanka aysan aqbali doonin in la buunbuuniyo wararka wax u dhimaha amaanka magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ciqaab ay la kulmi doonto cidii dambiyadaasi lagu helaa.

Sidoo kale afhayeenka ayaa digniin u jeediyay hoteelada magaalada Muqdisho oo uu sheegay inaan lagu dhigi karin banaanbaxyo ka dhan ah dowlada Soomaaliya waxna u dhimaya amaanka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com