Urur Yahuudi Mareykan ah oo beegsi halis ah ku billaabay xildhibaan Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Qaar badan oo ka mid ah Yuhuudda ku nool dalka Maraykanka ee ka shaqeeya siyaasadda ayaa cambaareeyay weeraro iyo beegsi ay ururka Yahuudda Mareykanka ee AIPAC ay ku qaadeen Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka, waxayna ku boorriyeen kooxda inay joojiyaan ololahooda xayeysiiska ah.

Warqad la daabacay khamiistii ayaa lagu sheegay in dadkaan kasoo jeedo Yahuuda ay sidoo kale ku booriyeen AIPAC inay joojiso xayeysiimaha lagu beegsanayo haweenka ku jira Congress-ka ee kala ah, Ilhaan Cumar, Alexandria Ocasio Cortez, Cori Bush iyo Rashida Tlaib.

“Inkasta oo laga yaabo in aanan dhammaanteen ku raacsanayn aragtida iyo astaamaha haweenka Congress-ka ee arrimaha la xiriira Israel iyo Falastiin, hadana waxaan ka mideysanahay inaan cambaareyno ololahaan xayeysiiska ah oo aan kaliya ahayn marin -habaabin, laakiin keeni karta khatar ah ay rabshado dhacaan oo la beegsado xildhibaanadaas,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen J Street, Americans for Peace Now, IfNotNow, iyo ACLU.

“Xayeysiisyadan dhiiri-gelinta iyo kala qaybsanaanta ah ee ka dhanka ah haweenka sharci dejiyayaasha ah waa kuwa dhaqan ahaan xun, kuna saleysan nacayb iyo cunuriyad, sidoo kalena waa hanjabaad kala fiirsasho la’aan ah oo ku socota  xildhibaannadaas ka tirsan Congress-ka Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqeynaa AIPAC inay joojiso socodsiinta xayeysiisyadan iyo inay raalli-gelin siiso haweenka Congress-ka oo ay si cadaalad darro ah khatar u gelisay.”

Qoraalka ololaha xayeysiiska Facebook ee AIPAC, oo ah kooxda ugu saameynta badan Washington ee u ololeeya Israa’iil ayaa lagu yiri, “Kicinta nacayb ka dhan ah Israa’iil iyo faafinta beenta xun ee halista ah ee ka imaaneysa saaxiibadeena dimuquraadiga ah ma hormariso rajada nabadda.”

Golaha AIPAC ayaa soo daabacday sawirka haweeney kasta oo ka tirsan Golaha Wakiillada, iyadoo ku eedeyneysa inay ka been sheegeen Israa’iil oo ay adeegsadeen calaamado iyo erayo muujinaya midab kala sooc iyo isir sifeyn.

APIAC ayaa si gaar ah u beegsatay Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya, waxayna ku eedeysay inay tahay argagixiso.

“Ilhaan Cumar uma kala saarna Mareykanka iyo Taliban, Israa’iil iyo Xamaas ama Dimoqraadiyadda iyo Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkii APIAC ay ka soo saartay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Sidoo kale tallaabada ay qaaday APIAC ayaa waxaa cambaareeyey shaqaalaha Ilhaan Cumar oo ku tilmaamay inay tahay mid halis lagu gelinayo nolosha Xildhibaan Ilhaan.

Jeremy Slevin, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska Ilhaan Cumar ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray “Luqadda AIPAC ay u isticmaasho xayeysiisyada lacagta lagu bixiyo si ay u qariso oo u aflagaadeyso Ilhaan waxay lamid tahay luuqadda loo adeegsado hanjabaadaha dilka.”