Valencia oo dooneysa inay bisha Janaayo la wareego Kabtanka Chelsea John Terry.

Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Valencia ayaa dooneysa inay bisha Janaayo marka uu suuqu furmo iibsadaan daafaca kooxda Chelsea John Terry. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mirror.

Kabtankii hore ee xulka England ayaa ciyaar wanaagsan kusoo bandhigaayey Chelsea, iyadoo afar kulan la ganaaxay ka dib markii uu hadalo isir naceyb ah u adeegsaday Anton Ferdinand.

Hadaba, wakiilka FIFA Francois Gallardo ayaa daaha ka qaaday in Terry uu dalab ka helay kooxda ciyaarta Primera Liga.

Valencia ayaa diyaar u ah inay gacanta ku dhigto 31 jirkaan kaasoo qandaraaskiisa Blues ay ka harsan tahay 18 bilood – halka uu qorshaha Chelsea yahay keliya in loogu darro sano kale.

Gallardo ayaa u sheegay Radio Intereconomia: “Valencia ayaa soo dalbatay, aniguna shaqsi ahaan waan ku xirayaa, saxiixu wuxuu dhacayaa marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

“Dalabku waa mid miiska u saraan. Qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa bisha June mana loo cusbooneysiin doono sababo badan oo Chelsea ah awgeed wuxuuna doonayaa inuu aado Spain.

Gallardo ayaa intaas ku daray: “Terry waxaa heysta dhibaatooyin. Wey aflagaadeynayaan kamana uusan haldlin. Wuxuu weydiistay inuu tago, anaga ma ahan.

“Waa xaqiiq. Waxay wadahadaladu socdaan 15 maalmod laba kulan ayeyna horey u qaateen. Heshiisku wuxuuba u saran yahay miiska waa sanad iyo bar oo loogu daraayo sano kale.

“Waxaan u maleynayaa inuu aqbali doono.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.