Video: Aayado qur’aan ah oo ka hadlaya shuhadada muslimiinta oo barlamanka New Zealand lagu furay

Christchurch (Caasimadda Online) – Xasuuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah.

Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo  iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn.

Dowladda New Zealand ayaa ilaa hadda ku dadaashay inay falkaan uga garaabto muslimiinta, waxayna ficiladeeda ugu badnaayeen inay qanciso Muslimiinta una muujiso inay ka xun tahay wixii dhacay.

Haweeneyda Ra’isulwasaaraha ka ah dalkaas Jacinda Ardern ayaa Xijaab u xiratay si ay uga qeybgasho kulan tacsi ah oo ay sameeyeen Dowladda iyo dadka Muslimiinta ah ee halkaas ku sugan.

Arrintaas ayaa noqotay mid aad looga hadlay saameyna ku yeelatay Muslimiinta tirada badan ee halkas ku sugan, waxayna dowladda New Zealand mar kale sameysay arrin kale oo la doonayo in lagu sii qanciyo Muslimiinta.

Baarlamaanka New Zealand oo Shalay yeeshay kulan looga hadlayey Xasuuqa loo geystay Muslimiinta ayaa lagu daah furay Aayado kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Aaydaha Qur’aanka ee uu wadaadka ka akhriyey Kulanka Baarlamaanka dalkaas ayaa ka hadlayey Sabar iyo in Dadka Muslimiinta ah lagu imtixaani doono Musiibooyin ay ka mid ah tahay Cabsi, Gaajo, Geeri iyo Hanti La’aan.

Sidoo kale Aayadaha halkaas laga akhriyey ayaa waxaa kamid ahaa Aayad ka hadleysay in dadka Shuhada ah ee Muslimiinta laga dilo aan lagu sheegin inay yihiin kuwa dhintay balse ay nool yihiin oo aysan Bini’aadamka dareemi karin, waxayna ahaayeen aadayahaan kuwa loogu talagalay in Muslimiinta lagu qanciyo iyadoo loo marayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Xubnaha Baarlamaanka Dalka New Zealand ayaa hoos wada fiirinayey inta la akhrinayey Aayadaha Qur’aanka Kariimka oo markii dambe xataa lagu dul akhriyey iyadoo loo badalay Luuqadda Ingiriiska si ay u fahmaan.

Halkaan hoose ka daawo waxa ka dhacay Kulanka Baarlamaanka New Zealand 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com