Video ay Barca ka sameysay Pepe oo khilaaf ka dhex abuuray Real iyo Barcelona + Sababta.

Sida uu tebinaayey Catalunya Radio, Barcelona ayaa sameysay Flim laga soo uruuriyey qaladaadkii uu daafaca Real Madrid Pepe ku galay ciyaartoydooda.

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa sheegay dhowaan inay Video ka sameyn karaan takaaldadii xumaa ee uu Pepe ku sameeyey ciyaartoyda Barceloba, Daafaca u dhashay Portugal ayaana sheegay horaan in ciyaartoyda Barca ay si sahlan dulka isugu tuuraan.

Muuqaalkaan oo ay amar ku bixiyeen in la sameeyo madax ka mid Ah Barcelona ayaa muran ka dhaliyey labada koox oo uusan awalba xiriirkoodu fiicneyn.

Muuqaalkaas la sameeyay ayaa waxaa ansixiyay Guardiola oo markaas macalin kooxda u ahaa iyo Tito Vilanova, inkastoo Barcelona ay go’aansatay inaysan ii deynin waqtigaan.

Real Madrid ayaa si ay caro ka muuqato uga soo horjeesatay muuqaalkaan.

“Pepe waa ciyaaryahan aan caadi aheyn oo qiimeyn weyn inoo leh” ayuu yiri agaasimaha Isboortiga Real Madrid Miguel Pardeza.

“Waa ciyaaryahan waxa uu awoodo oo dhan u qabta kooxda, waa daafac adag oo raaca sharciyada, mana u qalmo in sidaan loola dhaqmo. Real Madrid waligeedna waxaan oo kale ma aysan sameyn.”

Goolhayaha kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa maanka ku haaya in Flimkaani uusan la heer sineyn kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

“Waan la yaabay inay Barcelona sameysay Flimkaan,” ayuu Casillas u sheegay majalada Marca.

“Waa wax caadi u ah inay ka hadlaan kooxaha ka soo horjeeda laakiin uma malaynayo inay Barca muuqaalkaas oo kale sameynayso.”

Laakiin ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa gaashaanka ku dhuftay in kooxdiisu ay sameysay Flimkaan, wuxuuna dafiray inay arkeen Video-ga laga sameeyey takaalada uu daafaca kooxda Real Madrid Pepe u geystay ciyaartoyda Barcelona.

“Waxaan doonayaa inaan cadeeyo, ma aana arkin Flim ay kooxdu ka sameysay ciyaaryahan gaar ah, ma ahan Pepe ama ciyaaryahano kale,” ayuu 28 jirkaani u sheegay saxaafada.
“Kulamadii ugu dambeeyey ee El Clasico ayaa ahaa kulamo had iyo jeeraale la jeclaado.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.