Video: Ciidankii sugi lahaa ammaanka XAMAR oo tababar xoogan qadanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ka soconaya Magaalada Muqdisho tababar xoogan oo la siinayo Boqolaal ciidan oo boolis Soomaali ah kuwaa oo la doonaya in ay qeyb ka noqdaan Ciidamada Amaanka sugaya ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Tababara nuucaan ah oo waagii hore wadamada dariska ah loo aadi jiray ayaa waxaa sanadkaan lagu bixinayaa gudaha Magaalada Muqdisho taa oo macnaheedu yahay in Xaalada amaan ay ka soo hagaageyso sidii hore waxaana tababarka siinayao Taliska Amisom ee Muqdisho.

Hadaba nala daawo Video-gaan waxaad arkeysaa awoodii qaran ee dalkeena oo dib u soo ifeysa waadna qiiroon doontaa marka aad aragto Askar Soomaali ah oo tababar xoogan qadanaya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com