VIDEO: Xildhibaan sheegay sabab lala yaabay oo loo ridayo R/W CABDI WELI

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka mid ah 140-ka xildhibaan ee mooshinka ka keenay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa ku hadlay hadal ka yaabiyey Soomaalida, oo ku saabsan sababta ay mooshinka uga keeneen R/W Cabdi Weli.

Xildhibaankan oo la sheegay inuu ku reer yahay wasiirka dastuurka Faarax C/qaadir ayaa yiri “Waxaan mooshinka uga keennay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, sababta oo ah xukuumadda waxa ay diiday inay shir jaraa’id qabato, lana shaqeyso madaxweynaha”.

Lama oga, haddii hadalkan afka ka dafay xildhibaanka iyo haddii uu dhab ka yahay, waxaase lala yaabay in shir jaraa’id qabasho la’aan lagu ridayo xukuumadda.

Halkan ka daawo video-ga