Qeybo madaxtooyada SOMALIA ka mid ah oo maanta haawanaya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qeybo ka tirsan Villa Somalia laga daad gureeyay Qoysas farabadan oo ay dhaleen Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Qoysaska la xaaqay oo ay Mas’uuliyiintaasi dhaleen ayaa waxaa la tilmaamayaa inay gabaad ka dhigan jireen Villa Somalia, waxaana Saakay illaa Galabta la arkaayay gaadiidka loo yaqaan katarabiilka oo iyagu kusii qulqulaayay Villa Somalia si ay u burburiyaan dhismooyinka laga raraayo qoysaska Wasiirada iyo Saraakiisha ay dhaleen.

Wasiir Amniga Khaliif Erag ayaa waxaa lagu arkaayay Goobta, waxa uuna Wasiirku Tilmaamayay in Amaanka Dalka uu ku jiro in Villa Somalia laga saaro Qoysaska degan, waxa uuna sidoo kale Katarbiilada ku amray inay dhulka dhigaan Qalabka Shirkada Isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha ah ee ku dhex yaalla Villa Somalia.

Dhanka kale, warar hoose oo goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga lagu war galiyay inuusan faragalin Qoysaska ay dhaleen Wasiirada, inkastoo la sheegay inuu ka dhaga adeegay, sheegayna inuu gudanaayo waajibka Amniga ka saaran.

Sidoo kale, Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag, ayaa waxaa Madaxtooyada looga rarayaa Shirkadaha Xarumaha ku dhex leh Madaxtooyadae, kuwaasi oo Saakay furanaayo qalabkii halkaasi ugu xirnaa.

Arrimahan, ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshe cusub, oo amniga lagu sugayo, oo wasiir Ereg uu la yimid.

Ereg waxa uu sheegay in madaxtooyada ay tahay kaliya hoyga qoyska madaxweynaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa, wixii intaas kasoo harana ay tahay qalad inay halkaas ku sugnaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com