Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu maanta kulan qado sharaf ah u sameeyey madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan qado sharafeedka ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Islaan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “kulankan ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.” Qoraalka ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Shirka rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa baaqday ayada oo weli ay jirto in khilaafkii dowladda federaalka iyo Jubaland ee gobolka Gedo aan la xalin.

Sida aan xogta aan ku helnay, Jubaland ayaa dooneysa in la fuliyo qaar ka mid ah qodobadii ay horey u dalbatay ee dowladda ay ballan-qaaday ee la xiriiray gobolka Gedo, waxayna dooneysaa in dowladda ay qaado tallaabooyin muujinaya inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyadaas..

Wararka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo u dhaxeeya maamul goboleedyada oo aan weli la caddeyn waxa ay yihiin, waxaana la rumeysan yahay in maamul goboleedyada ay laba dhinac u kala safan yihiin.