Villa Soomaaliya oo 5 qodob kasoo saartay safarkii Xasan Sheekh ee Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho maalmo badan qaadatay oo ku tegay waddanka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalkaas uga soo qayb-galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay QM, isaga oo ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Villa Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay socdaalka madaxweynaha, ayada oo shaacisay inuu diiradda saaray 5 qodob oo kala ah:-

1-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

2-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

3-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

4-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

5-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Safarka madaxweynaha ee dalka Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad amni iyo mid abaareed oo aad u daran.