Waa kuma wakiilka Itoobiya ay usoo dirtay Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland warqadaha aqoonsiga looga guddoomay wakiilka dowladda Itoobiya ee Somaliland Dr. Saciid Maxamed Jabriil.

Wakiilkaan cusub oo kasoo jeeda deegaanada Kililka Shanaad ayaa badalay Shamsudiin Axmed Rooble oo horay ugu wakiil ahaa Itoobiya arrimaha Somaliland, kaasoo in muddo ah howsha ka maqnaa.

Dr. Saciid Maxamed Jabriil oo Axadii soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa guda galay howlaha loosoo magacaabay, oo iminka ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay xiriirka Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo saameeyay siyaasadda webiga Nile ee Masar iyo Itoobiya ay isku hayaan.

Dr. Saciid ayaa horay u ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda qaranka Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku matalayay shirar caalami ah oo arrimaha waxbarashada looga hadlayay.

Wakiilka cusub ee Itoobiya Dr. Saciid Maxamed Jabriil ayaa mudo aad u fog ka tirsanaa maamulka Jaamacadda Qaranka ee Hargeysa, isagoona u ololeyn jiray qadiyada gooni isu taagga Somaliland, waxaana mushaarkiisa bixin jirtay xukuumadda Somaliland.

Xiriirka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa xiligaan sidii hore aheyn, iyadoo Somaliland la sheegay in dowladda Masar ay xiriir la yeelatay, waxayna dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xiriir diblumaasiyadeed oo adag.

Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku kala dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xiriirka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka.