Waa maxay sababta keentay inuu Farmaajo noqdo madaxweynihii ugu mashquulka badnaa Somalia?

Muqidsho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galay mashquulkii ugu weynaa isagoo aan weli fadhiisan madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadda si kumeel gaar ah u dagan Hotel Jazeera oo ah hotel ku ag yaal garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde kaasoo looga bartay inuu sii marti qaado madaxweynayaasha ku guuleystay Xilka madaxweynimo wuxuuna halkaas dagan yahay 8 February ilaa hadda.

Hotelka waxaa buuxiyay siyaasiyiin, saraakiil, Wasiiro, taageerayaal iyo dad kala duwan oo lagu sheegay inay qiyaas ahaan gaarayaan ilaa 900 qof, waxayna dhammaantood raadinayeen hal ujeedo oo ah inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo.

Hotelka ayaa noqday mid aad loo soo camiray mana jirto meel yar oo cagta ka dhigo karo waxaayna la arkayaa dad badan oo taagan, kuwa fadhiyo, kuwa taagan irridda hore ee Hotelka oo dhaamaantood saf ugu jiraan sidii ay u arki lahaayeen madaxweynaha.

Farmaajo ayaan helin waqti uu ku nasto iyo mid uu ku jiiftaba wuxuuna kulamo ku gaaraa ilaa saqda dhexe habeenkii wuxuuna Hotelka noqday madaxtooyo aan laga seexan.

Markaad tagto hotelka waxaa kugu adkaaneyso inaad aragto halka uu ku sugan yahay madaxweynaha maadama ay meel kasta buuxaan dad oo aad is leedahay hadba meeshaan amuu ku jiraa, hoolka ugu sareeya oo ay ahayd inuu dadka ku qaabilo waxaa buux dhaafiyey martida u imaaneyso madaxweynaha taasoo ku qasabtay inuu mararka qaar codsi u diro dadkaas si ay jidka ugu baneeyaan.

Farmaajo ayaa ka bixi waayey inuu koro kana dago wiishka uu leeyahay Hotelkaas isagoo bilaabay inuu mararka qaar dadka ku qaabilo istaagga, fadhiga iyo weliba wiishka dhexdiisa maadama dadka u imaanayo la waayey meel la kala geeyo waxaana xusid mudan inaysan jirin waqti u xadidan la kulanka madaxweynaha.

Dadka ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa caasimadda Online u xaqiijiyey in madaxweynaha laga dareremayo daal badan maadama uu waayey waqti uu ku nasto wuxuuna noqday madaxweynihii ugu mashquulka badnaa ee ebed soomaaliya Soomaaliya.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com