Waare oo shaaciyey dagaal dhaqaale oo xun oo Kheyre uu ku qaaday HirShabelle

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kahor istaagay maamulkiisii mashaariic gaareysa 250 milyan oo dollar.

Waare oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato ayaa ka sheekeeyay dagaalkii ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarahiisii hore Xasan Cali Kheyre ku qaadeen maamulkiisa.

“Waxaa la igala dagaalmay inaan dhiso dhaqaalah HirShabeelle. Mar kasta oo aan dhiso kastam dhaqaale soo xareeya waa la iga hor-istaagayey. Markaan barasaab magacaabo oo uu laba bil shaqeeyo Xamar ayaa lagala soo hadlaa. Ninkii waaba isbedelaa, oo jaakat kale ayuu gashanaa,” ayuu yiri Waare.

“Waxaa nagala dagaallamay mashaariicdii. 250 Malyan oo dollar ah mashaariic ah, weliba si gaar ah ra’iisul wasaaraha ileen isaga ayey wasaaradaha hoos yimaadaan. Xitaa markii la fasaxay lacagtii Jabuuti, si shacabka loo tuso in maamulka uu yahay mid xun, waxaa la yiri ganacsato ku wareeji.”

Waare ayaa sheegay in xitaa uu gaaray heer uu wasiiro ay ka mid yihiin wasiirkii amniga Ducaale uu la kaashado inay Kheyre u sheegaan inuu diyaar u yahay inuu is-casilo, si cunaqabateynta looga qaado shacabka HirShabelle.

“Waxaan Kheyre ku yiri yaad ku hilmaamtay dadka aad matasho, xageed ku ogtahay HirShabelle iyo Mudug,” ayuu yiri Waare.

Waare waxau uu sheegay in mashaariicda la fulin waayay ay ka mid ahaayeen dhismaha waddada u dhaxyesa Balcad iyo Jowhar, iyo biyo xireen loo sameeyo webiga Shabeelle ee Beledweyne.

Hoos ka daawo wareysiga Waare oo uu kaga sheekeeyey