Wada-hadallada Somalia iyo Kenya: Qodobka dooqa 1-aad u noqday Villa Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsiga Qaadka wuxuu noqday mowduuc weyn mar walba oo ay kulmaan ama wada hadlaan madaxda labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya. Cidda uu dhibka ku hayo oo ah Soomaaliya waxay waayadaan hoos isaga dhigtay doodihii ahaa in mustaqbalka la suuliyo Qaadka iyo cabirka dhibaatadiisa ee bulshada Soomaaliyeed.

Sabab musuq iyo dhaqaale raadin shaqsiyadeed ah ayaa loo arkaa inay ciribtirtay doodihii iyo fikirkii Soomaaliyeed ee kasoo horjeeday Qaadka.

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa shalay la wareegay xafiiska. Madaxda ka qeybgashay xafladda caleema saarkiisa waxaa kamid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan gaar ah oo  xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku dhex maray William Ruto iyo Xasan Sheekh ayaa si gaar ah mar kale loogu dul istaagay suuqa Qaadka ee dowladda Kenya uga furan gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne William Ruto intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu u ballan qaaday qaadka Miiruu ee beerta Qaadka inuu daroogadaas suuq weyn u keeni doono haddii la doorto.

Ruto wuxuu u muuqdaa inuu durba bilaabay ballaarinta suuqa uu dibadda ugu heli karo maandooriyaha Qaadka. Soomaaliya waa mid kamid ah meelaha ugu muhiimsan.

Dhawaan waxaa soo baxday cabasho xoog leh oo ganacsatada iyo beeraleyda Qaadka ku qabaan siyaasiyiin Soomaali ah oo isbaaro u dhigatay ganacsigaan.

Xubnahaan ayaa lacagtooda maalinlaha ah ee qaadka ka soo gasha waxaa lagu qiyaasaa wax ku dhow Boqol kun oo Dollar.

Lacagtaan baadda ah oo ay qaataan siyaasiyiin iyo ganacsato ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cabashadeedu waxay durba gaartay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Lama oga inay William Ruto iyo Xasan Sheekh si gaar ah u dul istaageen cabashadaas. Labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulankooda looga hadlay sidii loo xoojin lahaa shaqada guddiga wada-jirka ah ee iskaashiga labada dal, taas oo xoojineysa ganacsiga Qaadka, kalluunka iyo isku socodka.

Inkastoo ay Soomaaliya dib u fasaxday ganacsigii Qaadka, haddana Kenya weli ma bilaabin mana muujin xiisaha ay u qabto in kalluunka Soomaaliya uu suuq ka helo gudaha Kenya.

Dhanka socdaalka weli culeys ayey sheeganayaan Soomaalidu. Xadka labada dal caqabad la xiriirta gargaarka loo siday dhanka Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wariyey in culeys la saaray.

Weli dowladda Soomaaliya waxay muujineysaa sida ay niyad ugu heyso fulinta wixii lagu heshiiyey, halka Kenya dhowr jeer lagu eedeeyey dib u gurasho.

Hadda waxaa la eegayaa sida madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu daacad ugu noqdo la macaamilka dowladda Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah waxay weli is waydiinayaan jaceylka xooggan ee Villa Somalia u qaaday ganacsiga Qaadka.

Dadka qaar ayaa qaba inay tahay wax ceeb ku ah dowladnimada Soomaaliya in madaxdu xoogooda isugu geeyaan ganacsiga maandooriyahaan dhibaatada badan ku haya dhaqaaalaha Soomaaliya.