Walaac hor leh oo la xiriira qabashada doorashada Soomaaliya oo soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shir loo asteeyey in Sabtida uu ka furmo magaalada Muqsisho ayaa waxaa soo baxaya walaac la xiriira in doorashada dalka ay mar kale ka dib dhacdo waqtigii la qorsheeyey.

Shirkaas ayaa loo qorsheeyey in la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii la kala saxiixday 27-kii May, sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Hase yeeshee, waxaa sidoo kale la filayaa in mar kale shirkaas lagu shaaciyo in doorashada aysan ku qabsoomin karin waqtigii la qoondeeyey, loona baahan yahay isbeddel lagu sameeyey jadwalka.

Ustaad Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa isagoo la hadlayey BBC waxaa la hor dhigay su’aalo ku saabsan waxa laga filan karo shirkaas uu iclaamiyey Ra’iisul wasaaraha Rooble.

Ustaad Daahir ayaa sheegay in sida uu qiyaasayo dib u dhac uu ku imaan karo shirkaas iyo guud ahaan doorashada, in kastoo sida uu qabo haatan madaxda ay ka dhex jirto xasilooni siyaasadeed oo wax badan ka bedeshay shakigii iyo cabsidii ay qabeen dadka Soomaaliyeed.

“Tan iyo markii uu dhacay heshiiskaan wax weyn oo muuqda lama qaban, laakiin madaxda waa inaan u garaabo, sababtoo ah xasilooni siyaasadeed oo hor u socod leh ayaa la helay, gudiyadiina waa la soo xareynayaa, hada wixii ka dambeeya waxaa laga wadahadlayaa waxyaabaha xasaasiga ah ee dib u dhigi kara doorashada,” ayuu yiri Daahir Qoriyow oo ka faallooda arimaha siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qabaa in heshiiskii ay gaareen madaxdu uusan ku dhaqan geli karin waqtiga loo qorsheeyey, isla markaana ay ku qasbanaa doonaan in waqti dheeraad ah lagu daro.

“Aad ayey u adag tahay in 60 cisho lagu qabto doorashooyinka, sidii horay loogu heshiiyaba, marka waxaan ka sugeynaa kulanka uu ra’iisul wasaaruhu iclaamiyey qorshe macquul ah oo bulshada Soomaaliyeedna ay ku qanci karaan, waana rajeynayaa in waqtiga howsha lagu qabanayo ay tahay waxyaaba ugu badan eel aga wadahadli doono,” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Casuumaadaan waxay timid kadib kulan ay qadka Zoom-ka ku yeesheen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey in la isugu yimaado Muqdisho.