R/W Cabdi Weli Sheikh: Waan ku qasbanahay in aan DF mucaaradno inta ay jiraan qaladaadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – C/weli Sheekh Axmed Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, ayaa si adag uga hadlay dhaliilo baryihii dambe loo marinaayay warbaahinta lagu qoro Afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegay in inta badan ay dadku is weydiinayaan uljeedka rasmiga ah ee loo aas aasay Madasha Midnimada Iyo Dimuqraadiga ee isagu gudoomiyaha ka yahay, waxa uuna Tilmaamay in Madashu ay ku jiri karaan Siyaasiyiin Muxaafid iyo mucaarad ah.

C/weli ayaa sheegay in aasaaska uu yahay Afkaar kala duwan oo ay isweydaarsaden Mudanayaal ka tirsan BF Somalia oo uu ujeedkoodu yahay inay saxaan qaladaadka DF Somalia.

Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “ Madashaan waxa ay ka timid fikir ka yimid xildhibaano, siyaasiin iyo dad ka socda axsaabta oo u fikiray maanta gacmo wadajir ayeey wax ku gooyaan, ayna lagama maarmaan tahay in cududa la’isku geeyo, ra’iyaga la’isku daro sidii dalkaan horay loogu dhigi lahaa xagga siyaasadda, nabad galyada, nolosha bulshada iyo dhaqaalaha looga shaqeyn lahaa”

Mar wax laga weydiiyay in dhismaha Madasha uu yahay mid lagu carqaladeynaayo ama lagu mucaaradaayo DF Somalia, ayaa waxa uu sheegay in mucaaradnimadu aanu xumayn, wixii xunna la mucaaradayo wixii toosana la taageerayo

Isagoo ka jawaabaya ayuu yiri “Mucaaradki ceeb ma ahan oo wixii xun waa la mucaaradi, aduunka ayaa ku dhisan in si siman wax loo koontaroolo, laakiinse dadkaan waxaa isku keenay fikir ah in dalkaan wax laga bedalo, dalkaan dadki waa ku dhibaateysan yihiin, aduunkii wuu ka haray, nabadgalyo malahan”

Si kastaba ha ahaatee waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay iska saxdo qaladaadka jira si uu yiri loo dardar galiyo Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com