Waqtiga iyo jadwalka doorashada madaxweynaha oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga cusub ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee shalay lagu dhaawaqay ayaa maanta doortay guddoomiye iyo xigeen. Guddoomiyaha guddiga ayaa loo magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Duceyle Beyle, halka ku xigeenkana loo magacaabay Cabdullahi Sheekh ismaaciil Fartaag.

Waxa asidoo kale Caasimada Online soo soo gaarey jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan kadib dhowr mar uu jadwalka horey dib uga dhacey

Hadaba halkan ka akhriso Jadwalka Doorashada:

January 28-29, 2017:  Waxaa dhacaya registration-ka ama diiwaangelinta murashaxiinta.

January 31, 2017: Murashaxiinta Dood Wadaag

February 1, 2017: Fasax

February 2-5, 2017:  Hadaljeedinta murashaxiinta madaxweynaha

February 6-7 , 2017: Isdiyaarin

February 8, 2017: Waxaa ay Soomaaliya yeelan doontaa madaxweyne cusub, insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com