WAR CUSUB: Qiimihii ugu sareeyay ee cododka xildhibaanada iyo murashaxa ugu lacagta badan

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay Caasimadda Online ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland.

Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaala iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaareen.

Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaarsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa.

Waxaa rikoor cusub dhigay oo haddii sumcad iyo masuq maasuq la dagaalan lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xiray albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoona xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yiri “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”.

Marka laga soo tag murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire  oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii.

Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeyo, waxaana xildhibaankiiba uu ku kasbanayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoona adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland..

Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan.

C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn.

Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan aad u liido.

Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku aruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysn wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yiraahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah loom yaqaan.

Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee tallaadada ama wixii ka danbeeya.

Cali Muxiyadddiin
Aruurinta Xogta
Xafiiska Caasimada London