War Farxad leh: Ciyaariyahan KENYAN ah oo diinta Islaamka qaatay + Cod

Muqdisho (Caasimada online) Mid kamid ah Ciyaarhanada u ciyaara Kooxda kubada cagta ee Banaadir Super Sports Clup  oo u dhashay dalka Kenya heystayna Diinta Kristanka ayaa maalinnimadii shalay waxa uu qaatay Diinta Islaamka.

Marshal Simson oo imika la baxay Magaca Muxamed ayaa Shalay qaatay Diinta Islaamka qaatay, isagoona Kooxda uu u Ciyaaro ee Banaadir Telecom u qaata Numberka 12-aad.

Mar aan la xiriirnay Muxamed ayaa saaxiibkii oo ay Kooxda uwada Ciyaaraan waxa uu inoo sheegay in uu ku maqan yahay Masaajidka oo uu u aaday tukashada Salaada Duhur.

Abuukar Maxamed Sheekh “Afweyne” Waa gudoomiyaha Kooxda kubada cagta ee Banaadir Super Sports Clup,  waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka uu usoo Islaamay Marshal Simson oo imika la baxay Muxamed.

Maxamed ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Kooxda asxaabta ay wada ciyaaraan u sheegi jiray inuu jeclaan lahaa inuu diintooda ku biiro isla-markaana ay tahay diin wanaagsan .

Gudoomiyaha Kooxda Banaadir Super Sports Clup  ayaa sheegay inay ku dadaaleen sidii Maxamed uu Diinta islaamka ku qadan lahaa ugu dambeyna ay ku guuleysteen .

Ciyaariyahanka Maanta diinta Islaamka qaatay ayaa ah Ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Kenyan ah ee Horyaalka heerka 1-AAD ee dalkeena gool ka dhiya waana ciyaariyahan weerarka ka ciyaara .

Halkaan  Hoose ka dhageyso  Abuukar Maxamed Sheekh

Milkiilaha kooxda Banaadir

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com