Xog cusub oo ku saabsan Heshiisiinta beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho(Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa manta markale gaaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, six al buuxa ay kaga keenaan dhibaatada ka taagan degmada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Wafdigaasi waxaa hogaaminayay wasiirka wasaarada gaashaandhiga iyo amniga qaranka Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, waxaana kamid ah wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gudiga dib uhishiisiinta qaranka Soomaaliya Ismaaciil Macalin Muuse.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wafdigasi ay kusoo dhaweeyeen degmada Marka ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyadoo ujeedada ay tahay dhameynta khilaafka dhanka beelaha ah ee ka taagan gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga dowlada Soomaaliya ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya eek u sugan degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay la kulmayaan dhamaan waxgaradka labada dhinac ee dhawaanahaan ku dagaalamayay gobolkaasi, si ay usoo afjaraan xiisadaha dhanka qabaa’ilka ee ka jira gobolka SHabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan dhameynta xiisadaha ka taagan degmadaasi iyo dhamaan deegaanada hoostaga ee ay ku dagaalamayaan beelaha Habar-gedir iyo Biimaal.

Wafdigaasi ayaa degmada Marko ku tagay duulimaadka dhanka cirka iyo safar dhanka dhulka ah sida uu sheegay gudoomiye Siidii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com