Warar kasoo kordhay dad KENYAN ah oo ku afduubnaa dalka Soomaaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Seddex shaqaale Gargaar oo lagu afduubtay dalka Soomaaliya ayaa lasii daayay kadib ku dhawaad labo sano oo afduubtaan loo heystay deegaanada dhulka Soomaalida.

Hayadaha gargaarka caalamiga ayaa sheegay in dadka wax afduubay shaqaalahaasi ay qabsadeen bishii july sanadki 2012, iyaga oo ku sugnaa meel kamid ah maamul goboleedka Puntland.

“In badan oo dood ay noo socotay dadka wax afduubtay natiijada ayaa kama dambeys noqotay in dadkaasi lasii daayo”sidaasi ayaa lagu sheegay qoraal ay siidaysay hayada gargaarka ee ay la shaqeynayeen.

Seddexda ruux ayaa la sheegay in la afduubtay xilli ay ku safrayeen gaari, waxaana la socday seddex kamid ah ciidamada booliska Puntland, kuwaasi oo dhaawacyo ay soo gaareen laakiin aan la afduuban xiliga weerarka uu dhacayay.

Magacyada seddexda ruux ee lasii daayay ayaa lagu kala sheegay, Janet Kanga, Martin Kioko iyo Cabdi Nuur Boru kuwaasi oo lasii daayay maalintii Khamiista, sida hayada ay sheegtay.

Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka caawiyay in la geeyo goob amaan ah ilaa ay kala midoobayaan qoysaskooda oo ku sugan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Mudug

Caasimada@live.com