Wararkii u dambeeyey deegaanadii ay ku dagaalameen H/Gidir & Mareexaan

Xaalad deganaansho ayaa laga soo sheegaya deeganada shalay ay ka dhaceen dagaalada culus ee asalkooda salka ku haayo Qabiilka ee shalay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Dagaalada ayaa dhex maray maleeshiyo kasoo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Habar-Gidir

Guddoomiyaha Degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa sheegay in saaka xaalada ay tahay mid degan, shalayna lagu guuleystay in lakala qaado dhinacyadii dagaalamay.

Wuxuu sheegay Deeganadii lagu dagaalamay inaaney hada ka jirin wax dagaal ah iyo sidoo kale xiisad ku aadan labadii maleeshiyo beeleed ee wada dagaalamay, isaga oo intaasi raaciyay in Maamulada Ahlusuna iyo Dowladda ee Gobalka Galgaduud ay ku baxeen xalinta dagaaladaasi.

Dagaalka, ayaa shalay wuxuu ka biloowday Deegaanka Baaga, wuxuuna ku fiday Deegaanada Garas-gaabta iyo Shilinta, oo dhamaantood kawada tirsan Gobalka Galgaduud una dhaxeeya Degmooyinka Guriceel iyo Balanbal ee Gobalkaasi Galgaduud.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad gaaraya 12-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegay asalka dagaalka inuu ka biloowday nin reer miyi ah oo la dilay.

Dirirta salka ku haysa Qabiilka ayaa kusoo badanaysa Gobalada dalka Soomaaliya, iyadoo lawada ogyahay in Gobalka Shabeelaha hoose uu ka dhacay Dagaalo culus oo udhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed.

Soomaaliya ayaa waxa ay caan ku tahay Dagaalka qabiilka oo laga gudbi la’yahay tan iyo 1991, xilligaasi oo meesha laga saaray Dowladii Maxamed Siyaad Barre ee dalka ka talin jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com