Wararkii u dambeeyey wada hadalka DF iyo Ahlu Sunna

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamlka Galmudug ayaa sheegayo inuu hakad galay wadahadalkii u dhaxeeyey wafdigii ka socday Dowladda iyo Madaxda Ahlu Sunna.

Wararka ayaa sheegayo in dhawr jeer oo la isku laalaabtay aan weli la gaarin wax is afgarad ah.

Dooda ugu badan ee labada dhinac ayaa ku saleysan:

  1. Lacagta ay Ahlu Sunna rabto in la siiyo oo gaareyso ilaa 4 Malyan taasoo culeys ku ah Dowladda Soomaaliya, waxayna halkaas geysay ilaa 2 Malyan, waxaana taas diiday madaxda Ahlu Sunna.
  2. Cidda lahaan doonto agaasimka Doorashada cusub ee dhici doonto, Ahlu Sunna ayaa dooneyso inay lahaato agaasinka doorashada cusub ee Galmudug haddii meesha laga saaro Xaaf, halka dowladdana ay iyada rabto.
  3. Inaan faragelin lagu sameyn karin awoodda dhanka Ciidamada Ahlu Sunna iyo maamulkooda taasoo u cuntami weysay Dowladda.
  4. In Ahlu Sunna ay yeelato xilalka ugu sareeyo Maamulkaas, waxaana arrintaas diiday Dowladda.

Afartaas qodob ayaa ah xudunta Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Dowladda, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan inay wafdigii Dowladda ku laabteen meelihii laga dajiyey Dhuusamareeb.

Wada hadalada ayaa hadda hakad ku jiro, waxaana la filayaa inay labada dhinac is hor fadhiistaan markii ugu dambeysay si loo gaaro natiijo.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isku diyaariyey safar uu kaga tagayo Dhuusamareeb, waxaana duleedka Magaaladaas soo buux dhaafiyey ciidamo badan oo wato gawaarida Dagaalka kuwaas oo taabacsan Xaaf.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com