Xogtii u dambeysay dagaalka Kismaayo ee beelaha HARTI iyo ABSAME

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa ka taagan xiisad collaadeed taasoo ka dhalatay kaddib markii dagaallo culus ay ka dhaceen magaaladaas kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyaad kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Dagaalka oo dhex maraya maleeshiyada beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen, Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaalka ayaa billowday markii mid ka mid ah maleeshiyaadka dagaallamay ay dileen askari kaddibna dagaalka ayaa ku faafay magaalada oo dhan.

Dagaalka ayaa soo gaaray maanta duhurkii balse iskiis ayuu u istaagay, waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyaadka dagaallamay.

Intii uu socday iska hor imaadka waxaa hakad ku yimid dhammaan goobaha gaancsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Goobjooge ayaa u sheegay Caasimada Online in xilli kasta la filan karo dagaalka in uu billowdo mana jirto wax waan-waan ah oo lagu qaboojinaayo xaaladda magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Kismaayo ay ku dagaallamaan maleeshiyaad kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com