Wararkii ugu dambeeyay dagaallo mar kale beelo ku dhex maray Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa mar kale maanta ka dilaacay dagaallo u dhexeeya maleeshiyo kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Labada Maleeshiyo ayaa kasoo kala jeeda beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen ee haysta magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimadda Online in dagaallada ay ka socdaan xaafadda Calanleey oo ku taalla bartamaha magaalada.

Xog badan lagama hayo dagaallada dib uga qarxay magaalada Kismaayo, waxaana ay hakad ku keeneen isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda ee magaalada.

Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo shaley ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 30 in k Abadan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Isgaarsiinta magaalada ayaa go’an waxaana adag in xog badan lagama hayo dagaallada saakay dib uga qarxay gobalka Jubbada Hoose.

Faah-faahin kala soco Caasimadda Online.