Wararkii ugu dambeeyay ee Taleex oo gacanta Maamulka Somaliland gashay iyo Khaatumo oo faarujisay magaalada

Taleex (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Taleex gobalka Sool ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay.

Magaalada ayaa maanta barqadii waxaa galay ciidamo ka socda maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in ay dageen goobo muhiim ah.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in ergooyinkii ku shiraayay magaalada ee ka socday Khaatumo ay kala carareen oo ay magaalada ka baxsadeen.

Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in ujeedka ay u galeen magaalada ay tahay sida ay u kala ceyrin lahaayeen odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shireysa Taleex ee ka soo jeeda Khaatumo, isagoona intaas ku daray in Taleex ay ka mid tahay dhulka maamulka Somaliland uu ka arrimiyo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Khaatumo oo ku aadan tallaadabada ciidamada Somaliland ay ku galeen Taleex.

Waa markii labaad oo ciidamada Somaliland ay tagaan degmada Taleex sannadkan gudahiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com